Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa Maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.
Shirkan,ayaa Diiradda lagu saaray amniga Dalka , iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.
Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika.
Waxaana Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka loogu soo bandhigi doonaa Beesha Caalamka Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya u dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee Dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM.