Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa xubno ka tirsan Golhiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladda Soomaaliya,waxaana Garoonka Aadn Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda iyo Madax ka tirsan Galmudug.
Intaasi kadib ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socday waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu ka daahfuri doonaa Shirweynaha dib-u-heshiisiinta.
Fillo Goordhow Sawirrada Ra’iisul Wasaaraha ee soo dhaweeyntiisa Dhuusamareeb.