Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Markii uu gaaray halkaas waxaa si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda oo horay ugu sugnaa Dhuusa-mareeb,iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada.
U jeedada Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u gaaray waxa ay tahay dhamaystirka maamul u samaynta Galmudug oo muddooyinkii dambe ka socotay magaalada Dhuusa Mareeb,hase ahaate waxa lagu weday in uu gaaro 28-ka bishaan isaga oo u baaqday qaraxii khasaaraha badnaa ee Ka dhacay Ex Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho