Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Safar shaqo ugu  amba baxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlddda.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha wax war ah kama aysan soo saarin u jeedka safarka heerka sare ah ee masuuliyiintaan ay ugu ambabaxeen dalka Qatar.