Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed ayaa booqashadii ugu horeysay waxa uu shalay gelinkii dambe ku tegay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Abiyi Axmed ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga Caalamka Monica Juma, Wasiirka Shaqaalaha Ukur Yattani iyo Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko.
Isniinta Maanta ah ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay yeeshaan kulan gaar ah sida ay xaqiijisay Madaxdtooyada dalkaasi.
Kulanka labada dhinac ee Maanta ayaa la filayaa in ay uga wada hadlaan xaalada Gobolka Geeska Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya uu ku yimid Kenya ay tahay midi ugu horreysay uu ku tago mel ka baxsan dalkiisa,balse waxaa xusid mudan in uu horay u tegay dalka Jabuuti.