Kooxo hubeysan ayaa qeybo kamid ah degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Carwa Itka,qeybta Warta-Nabada,iyadoo la sheegay in Askariga uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya,iyadoona dadkii ka dambeeyay dilkaas ay Goobta ka baxsadeen.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in kooxdii dishay Askariga ay Goobta isaga baxsadeen islamarkaana Qorigii ay ka qaateen walow aan warkaas la xaqiijin.
Wararka kale ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in ragii dilka geystay ay wateen Mootada labada lugood leh ee loo yaqaano FEKON.
Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida ayaa goobta gaaray kuwaas oo meydka Askariga goobta ka qaaday,iyagoo sameeyay howlgal aan weli wax dad ah lagu qaban.