Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Saraar ee Somaliland.
Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay kusoo qabteen 8 ruux oo ay ku jiraa 4 qof oo sida la sheegay looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Dil todobaadkii la soo dhaafay degmada Gar’adeg ee Gobolka Sanaag loogu geystay Gaashaanlle Cabdullaahi Axmed Taallan iyo Taliye kuxigeenkii Ciidanka Booliska degmadaas laba xidigle Nuur Aw Cali.
Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgal kusoo qabtay 4 kamid ah gaadiidkii iyo qoryihii ay wateen ragga looga shakisan yahay falkii dilka ahaa ee ka dhacay degmada Gar’adeg,sla markaana waxaa lagu soo waramayaa in weli howlgalka uu socdo.
Degmada Gar’adeg oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa todobaadkii la soo dhaafay kooxo hubeysan waxa ay ku dileen Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Asluubta maamulka Somaliland,waxaana Madaxweyne Muuse Biixi uu xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.