Wararka uu Radio Dalsan ka helayo Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaanka Qalimow ee duleedka degmada Balcad ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay Rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.
Howlgallo ayaa Saacadihii la soo dhaafay ka socday Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar halkaas oo dhowr mar ay Al-Shabaab ku weerareen Gawaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalkas lagu qabtay Saddex Rag ah oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab kuwaas oo ay baaris ku hayaan.
Tuulada Qalimoow oo 30km dhanka Jowhar Balcad ka xigta ayaa waxa ay hoostagtaa degmada Balcad,waxana la sheegay in Wadadaas dhowr mar lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.