Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Caawa ka socda gudaha Hotel SYL ee ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan kasoo horjeedka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Weerarka ayaa waxaa la sheegay inay Hotelka ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku hubeysnaa Bambooyin iyo Bastoolado, iyagoona ka dhex dagaalamaya gudaha hotelka.
Sidoo kale Ciidanka Booliska sida gaarka u tababan ee loo yaqaano Harmacad ayaa Hotel SYL ka wada howlgal oo ay ku doonayan inay kusoo Afjaraan weerarka halkaas ka socda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hotelka laga bixiyay Xildhibaano iyo dad kale, kuwaasi oo hotelka looga saaray dhinaca xigta Beerta Nabadda.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Caawa xiray gabi ahaan Waddooyinka soo galay iyo kuwa kabaxa hotel SYL.
War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka ka socda gudaha Hotel SYL, iyagoona sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay halkaas ka dhex dagaalamayan.