Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shalay gacanta ay ku dhigeen rag hubeysan oo ku dhex jiray Dad careysan oo banaanbax xoogan ka dhigay Isgoyska Jubba ilaa Taaladda Daljirka daahsoon ee Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska oo kaashanaya kuwa Nabadsugida ay gacanta ku dhigeen shan Nin oo laba kamid ah ay hubeysnaayeen, kuwaasi oo dhex jiray Dadkii shacabka ahaa ee Banaanbaxa ka dhigay Degmada Boondheere.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho loogu baaqay inay aad uga feejignaadaan ragga hubeysan ee kusoo dhex dhuumanaya shacabka xiliyada ay cabashada muujinayaan.
Dhinaca kale Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Xijaar ayaa tacsi u diray qoysaska labadii ruux ee shacabka ahaa oo habeen kahor lagu dilay Isgoyska Jubba ee Muqdisho, waxaana falkaas ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo la xiray.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiks Taliska Ciidanka Booliska.