Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ah degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay fal isugu jiray Dil iyo dhac loogu geystay dad shacab ah oo la socday gaari.
Rag hubeysan oo Isbaaro u taallo deegaan lagu magacaabo Bashaqle ayaa qabsaday gaarigaas oo ambabaxay Magaalada Muqdisho, isla markaana ay la socdeen dad shacab ah oo safar ku ahaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ragga hubeysan ay dil u geysteen Darawalkii waday gaariga, sidoo kale ay dhaceen dadkii saarnaa gaariga oo tiro ahaan lagu qiyaasay 15 ruux.
Sidoo kale dadka deegaanka Bashaqle ayaa soo sheegaya in ragii hubeysnaa ay ku baxsadeen dhul-howd ah oo halkaas ku yaalla, waxaana la tilmaamay in Meydka Darwalka uu daqiiqado dhowr ah yaallay goobta, wallow markii dambe la qaaday.
Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in aysan wax Ciidan ah oo arrintaas ku baxay, sidoo kalena kama aysan hadlin dhacadaas maamulka Degmada Warsheekh.
Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa taal dhowr Isbaaro oo gaadiidka looga qaado lacago xad-dhaaf ah oo aysan awoodin.