Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada booliiska koonfur Galbeed ay xalay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay dilka Sheekh maxamed madeer.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska koonfur Galbeed ayaa sheegay in Sadax Nin oo bustoolado ku hubeysan ay ka qabteen Xaafada Towfiiq ee magaalada Baydhabo ku waas oo Masjid dhexdiisa ku dilay Marxuum Sheekh Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku doortay Magaalada Baydhabo.
Sarkaalka ayaa waxa hadalkiisa intaas ku daray in haatan ay ciidamadu ragaas gacanta ku hayaan ayna ugu suurtagashay ka dib markii mid ka mid ah ay Dadweynaha Baydhabo aqoonsadeen islamarkaana ay Ciidamadu u soo gudbiyeen taas oo keentay labadii kale uu isaga xogtooda soo gudbiyo.
Si kastaba Warkaan ka soo baxay Sarkaalka ka tirsan ciidamada booliiska Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku howlanaayeen baadi goobta dadkii ka dambeeyay dilka Marxuum Sheekh Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku doortay Magaalada Baydhabo.