Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.
Dilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhex dhacay Guriga Marxuumka oo ku yaalla Xaafada Macalin Nuur ee Dharkeenley, kadib markii ragga hubeysan guriga uga dhex-galeen, kadibna ay toogteen.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dilka wiilka dhalinyarada ah loo geystay uu yimid, kadib markii ragga hubeysan ay weydiisteen Mobile uu watay, uuna siiyay, hayeeshee markii uu galay gurigiisa ay dileen.
Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, mana jiroΓΒ Ciidamo ka tirsan dowladda oo la sheegay in halkaas ay tageen, waxaana falkaas si weyn ugaΓΒ naxay dadkii xaafada la deganaa Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Ciise Yalaxoow.
Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal ay geystaan rag hubeysan oo burcad ah, isla markaana dadka ka qaata telefoonada gacanta iyo waxyaabaha kale oo ay wataan, iyadoona dhowr jeer oo horey falalkaas ay dhaceen.