Ciiddamo Khaas oo Raashiyaan ah ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay loo daad-gureeyey Saldhig ay Ciiddanka Cirka Masar ku leeyihiin  Deegaanka Siidi Baraani oo 100-KM u jira xuduudka ay wadaagaan Masar iyo Libya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inay Dowladda Maraykanka walaac ka muujisay Tallaabadaasi oo wax u dhimi karta Doorka Maraykanka ee Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha dalka Libya.
Saraakiil Maraykan iyo kuwo Diplomaasiyiin ayaa sheegay in Ciiddanka Raashiya ee saldhigtay Galbeedka Masar qeyb ka tahay Taageeradda ay u hayaan Taliyaha Milliteriga Libya, Khaliifa Xaftar oo dhabar-jab kala kulmay weerar ay Maleeshiyadda Difaaca Banqaasi bishan 3-dii ku qaadeen Dekedaha laga dhoofiyo Shidaalka ee ay Ciiddanka Jeneral Xaftar maamuli jireen.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan Saldhiga ay Ciiddanka Raashiya ka samaysteen dalka Masar, waana Saldhigii 2-aad ee ay Milliteriga Raashiya ku yeeshaan dalka Masar.
©Radio Dalsan