Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu uu marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga, isagoona Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, halka kuwii ku hanti waayay Alle uu siiyo bedel Kheyr qaba.
Isaga oo la hadlay VOA ayaa waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore in xiligii uu dalka ka ahaa Ra’iisul Wasaare ay dhacday fatahaad tan lamid ah, hayeeshee aysan lamid aheyn sida Maanta ay u dhacday fatahaadan oo saameynta badan ku yeelatay dadkii kunoolaa Baladweyne.
Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa Madaxda dowladda kula taliyay inay dalbadaan lacag Deyn ah, maadaama dadka uu sameeyay fatahaada Wabiga aysan sugi Karin lacagta qaaraanka ah ee soo uruurinayaan dadka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda.
Magaalada Baladweyne iyo duleedkeedka ayaa waxaa ku dhibaateysan boqolaal qoys oo uu saameeyay fatahadaa Wabiga Shabeelle, iyadoona deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka uu ka socdo gumarka xoogan oo loo sameeynayo dadkaas.