Abaarihii 03:00 aroornimo ee Saakayto ee Xilliga dalka Pakistan  Ayaa waxay koox hubeysan xoog ku soo galeen Dhismaha Qunsulliyadda Soomalida, oo uu ku yaallo Xafiiska Shirkadda Daawooyinka ee DIG South Azad Khan.
Sarkaalka  Qunsulliyadda Soomaalida ugu qaabilsan dhinaca Baratakoolka . Imdaad Xuseen Shaah ayaa u sheegay Telefishinka Geo News ayaa sheegay in la wada dhacay Xafiisyadda ku yaallay Dhismahaasi oo ay ku jirtay Qunsulliyadda Soomaalida.
7 dabley oo hubeysan ayaa soo galay Dhismaha Qunsulliyadda, waxayna Dableyda afduub ahaan u qabsadeen 2 ka mid ah xubnaha Shaqaalaha, kadibna waxay Dableyda ku sugnayeen Dhismahaasi muddo 3 saacadood.
Dableyda waxay Quynsulliyadda ka dhaceen 4 Kombiyuutarada Laptop-ka, 4 Mobile iyo hal xabbo ee Shashadda LDC.
Dableyda waxay kaloo horey u sii qateen dhamaan Kamerooyinka Qarsoonaa  (CCTV) ee ku rakibnaa Qunsulliydda iyo Shaashadii iyo Qalabka duuba Muuqaalladda Qarsoon (The CCTV records),
Bilowgii bishii March 16-dii ee sannadkan, Pakistan iyo Somalia waxay u dabal degeen 57-guuradii ka soo wareegtay Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Labada Waddan.
Waxaana Xaflad lagu maamusayey Munaasbaadaasi lagu qabtay Qunsulliyadda Somalia ku leedahay magaalladda Karachi, waxaana ka qeyb galay Danjiraha Somalia u joogta dalka Pkistan, Khadiija Maxamed Al-maqsuumi.
Xigasho: Geo News
©Radio Dalsan
Â