Qoyskaasi oo ku nool Magaaladda Milkawauke ee Gobalka Wiskonsis ayaa waxa Dhismihii ay ku noolaayeen baab’iyey dab xooggan oo qabsaday, iyadoo aysan jirin wax ka badbaaday ololka dabkaasi.
Qoyskaasi oo ka kooban Hooyo iyo 7 carruur ay dhashay ayaa waxay Qaxooti ahaan ku galeen dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii, waxay dadaal dheer kadib awoodeen inay Guri ka iibsadaan Maraykanka, kaasi oo uu dhawaan dabku baabi’iyey.
Qoyskaasi waxay sheegeen inuu dabku baabi’iyey hanti lagu qiimeeyeey Boqolaal kun oo Dollar.
Hooyo Nadiiro Axmed waxay sheegtay inay lumiyeen gurigii ay degganayeen, oo uu dabku baai’iyey wax kasta oo ay shaqeysteen, balse aysan cidna wax ku noqonin.
Haatan, waxay Qoysku ku nool yihiin guri kiro ah.
Dhinaca kale, Waaxda Dab-damiska ee magaaladda Milkawauke waxay sheegeen inuu dabku qabsaday dhismahaasi bishii la soo dhaafay ee Feberaayo 20-da, hal isbuuc kadib, markii ay Qoyskaasi u soo guureen Guriga ay iibsadeen.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday Dabaqa Sare, waxaana loo badinayaa inuu dabku ka dhashay cillad Koronto, xilli guriga la geliyey Koronto cusub.