7 qof oo ay 4 ka mid carruur ahaayeen ayaa ku dhintay Dab ka kacay Dhismo la degan yahay oo ku yaalla Degjmadda Jestermere oo aan ka fogeyn magaalladda Kalagari ee Gobalka Alberta ee dalkaasi.
Dadka ku geeriyooday dabkaasi ayaa kala ahaa 2 nin oo da’diisa u dhexeysay 30-jir ilaa 38-jir iyo Afar carruur oo ay da’dooda kala ahayd 4 jir, 8 jir iyo 12 jir.
Dhinaca kale, Dabkaasi waxaa ka badbaaday afar carruur iyo qof weyn, kuwaasi oo ay suurtogashay inay ka baxsadaan dabka ka kacay Dhismahaasi.
Telefishinka Kanada ee CTV ayaa baahiyey inay 2 qoys oo Muslimiin ah ku noolaayeen Guriga uu dabku ka kacay, mana kala cadda waxa sababay dabkaas ee khasaaraha Nololeed iyo mid Hantiyeed geystay.