Bari oo Khamiis ah waddamo badan oo carabta ah iyo qeybo ka mid ah waqooyiga qaaradda Africa waxaaa tilmaamayaa in Qorax madoobaadkii ugu weynaa muddo 170 sano ka dib la arki doono
Muddo 3Daqiiqo iyo 43 Second ayaa la weyn doonaa Qoraxda waqti ku beegan xilliga cad ceedda u soo bixi jirtay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku jiraan.
Dalka Sacuudiga waxaa dib loo dhigay waqtiga imtixaanaadka dugsiyada iyada oo laga cabsi qaba in caruurta saameeyn uu ku yeesho Qorax madoobaadkan.
Waxaa si toos ah looga arki doonaa Qorax Madoobaadka waddadama Qadar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Cumaan.
Sidoo kale waxaa suurta gal ah in laga arko dalalka Serlank, Hindia, Singapore, Malaysia iyo dalal kale.
Dayaxa ayaa isku aadin doono qoraxda, iyada oo ka muuqan doonta dalool aad u yar sida ay sheegeen Culimada cilmul Falaga, waxaan Qorax madooban lagu magacaabaa “Goobadii Dabka”.
W/Q: Ustaad Aweys Xasan Maxamed