Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabbdi kaariye Qoor-qoor ayaa goordhaweyd ku biiray Shirka Midowga Mushariixiinta uga socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo Maanta ila Caawa si goos goos ah u socday.
Qoor-qoor ayaa hadda ku biiray kulamadaasi siyaasadeed, waxaana Mas’uuliyiinta ay horay u lahaayeen shirar gaar gaar ah oo ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka.
Waxaana shirkaan lagu faaqidi doonaa arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan dhawaan, iyadoo Murashixiintu ay walaac ka muujinayaan guddiga dhawaan la magacaabay kaasi oo arrimaha doorashooyinka ka shaqayn doona.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo aad ugu dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan la kulansan Musharixiinta Mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweyne farmaajo, waxaana Xusid mudan in dowladda federaalka ay ka dambeysay in uu Madaxweyne noqdo Qoor-qoor, maaddama uu ahaa musharaxa ay taageersaneed Villa Soomaaliya.
Madaxda Mucaaradka ah ee ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa ay u yeesheen shirweyn oo ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka, iyadoo shirkaasi ay kasoo bexeen Qodobbo gaaray 18 qodob, waxana ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka dib loogu laabtio, lana kala diro.