Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta dib ugu laabtay Caasimadda Maamulkaasi Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib safar shaqo oo uu Muqdishu ku joogay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan labada gole, maamulka caasimadda iyo masuuliyiin kale.