Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray deegaanka Bandarqaali ee Gobolka Mudug, iyadoo lagu soo dhaweeyay halkaas.
Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee deegaankaas ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Galmudig, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamuka Gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Intaas kadib Qoorqoor ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Bandarqaali, isagoo kala hadlay xaaladda deegaanka iyo waxyaabaha maamulka Galmudug ay uga baahan yihiin.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa bulshada deegaanka Bandarqaali u balan qaaday in Maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono, isla markaana dadka deegaanada uu si dhow Maamulka Galmuduig ula shaqeen doono.
Qoorqoor iyo wafdi la socda ayaa saacadaha soo socda ku wajahan deegaano dhowr ah oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kamid ah Qoryaweyn iyo Afbarwaaqo.
Safar dhinaca dhulka ah ayuu Qoorqoor uga soo baxay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb, isagoo horey u soo maray deegaano iyo Magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Maamulkaas.