Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kana mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaas.
Marxuumka oo ahaa Nin Odey ah ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay Guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Magaalada Nairobi, wuxuuna uu maalmihii dambe la xunuusanayay Cudurka uu soo ritay.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugan Kenya, waxaana uu goob  Ganacsi ku lahaa Xaafadda Eastleigh, wuxuuna kamid noqday dad Cuduka Coronavirus ugu geeriyooday Kenya.
Si kastaba Dalka Kenya ayaa waxaa Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka uu ku dhacay 198 qof, isla markaana waxaa u dhintay 8 qof oo uu ku jiro Wiil 6-sanno jir.