Booliska magaalladda London waxay maanta oo Talaado ah sheegeen in qofkii 5-aad muddo 4 maalmooda gudaheeda tooreey lala dhacay, isla markaana ay xaalladiisu liidato.
Weerarka maanta ayaa la sheegay in nin da’da 30-aadka ku jiray saakayto la dhaawacay, lana dhigay Isbitaalka.
Sidoo kale, 4 Dhibane ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay lagu dhaawacay Tooreey Deegaanka Edmonton ee W/galbeed ee London.
Ra’isul-wasaare Theresa May waxay shalay ka qeyb gashay kulan looga xaajoonayey fal-dembiyeedka Tooreyda oo ku soo badanayo dalka Britain.
Tiro-koob rasmi ah ayaa muujinaya in 285 dhaawacyo Tooreey loo adeegsaday ay ka dhaceen England iyo Weelis sannadkii hore, waana heerkii ugu sarreeyey muddo ka badan 70-sanno.