Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in qof qandaraasle ah ee u shaqeeya laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ninka laga helay Cudurka uu kamid ah yahay qandaraasleyaasha la shaqeeya, isla markaana uu dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Qoraalka Xafiiska QM ayaa waxaa lagu sheegay in Ninkaas markii uu yimid Muqdisho la karantiilay, sidoo kalena lagu sameeyay baaritaano kala duwan, hayeeshee markii dambe laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Waxaa kaloo UNSOM ay tilmaamtay in Ninkaas laga helay Cudurka uu u diiwaan gashan yahay Shirkad ka howlgasha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo ay uga hadleyso Kiiskan Cusub ee Curdurka ee laga helay Nin la shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.