Inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Soobe ayaa Maanta loo qaaday dalka Turkiga iyada oo laba diyaaradood oo ka yimid dalkaas ay ka qaadeen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Diyaarad nooca Milateriga ah oo dowladda turkiga ay soo dirtay ayaa lagu qaaday dadkaas oo ahaa dadkii ugu darnaa ama ugu halisanaa ee ku dhaawacmay qaraxaas.
Wariyaashena ku sugan Garoonka ayaa waxa ay soo sheegayaan in qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada ahaa inta an la qaadin ay Garoonka ku geeriyoodeen, waxana laga xusi karaa hal Ruux oo inta aan Diyaarada la saarin uu geeriyooday.
Tan iyo markii uu dhacay qaraxa ayaa dadka Soomaaliyeed waxaa laga dalbanayay in ay dadka u gurmaaan kuwaas oo badankood u baahnaa in ay helaan dhiig maaaama ay aad u dhiig baxeen.