Waxaa Maanta a soo gaba gabeeyey wada hadaladii labada Garab ahaa oo tan iyo Darraad ka socday Magaaalada Nairobi labada Garab ayaa Dhammaan Isku Afgartay qodobadii oogu Mihiim sanaa ee Goobta Lagu Gorfeeyay Waxaana Laga wada Hadlay Arimaha Hoos Ku xusan.
Waxaa Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gaba gabeeyay wadahadaladii mudada labada Maalin aheyd u socday Masuuliyiin kala metelayay dowladda Itoobiya iyo Jabhada hubeysan ee ONLF oo mudo wada dagaalamayay.
Qodobo ka soo baxay kulankoodii labada Maalin socday qaarkood ayaa soo gaaray warqabadka Radio Dalsan ee Muqdisho kuwaas oo agaraya ilaa 5 Qodob oo kala ah.
1: Awood qaybsi .
2: Afti.
3: dib u Dajin.
4: mustqabalka Ururka.
Iyo maxaabiista
1:Qodobka Koobaad ee awood qaybsiga ONLF waxay Dalbatay In wasiiro Lasiiyo halka Ergada mateleysay ay dalbadeen in waqti lasiiyo si ay ula laabtaan  masuuliyiintooda.
2: aftida ONLF waxay Cod satay in wakhti Loo Cayimo Aftida Waxaana Lagu qanciyay in Habka Dastuuriga ah loo Maro ONLF-na Dastuurka way qaadatay Mana Jirto Illaa Hadda Muddo loo cayimay Aftida laakiin sida uu Dastuurku qabo Aftida waa Laqaadi Karaa.
3: waxaa la isla qaatay In Dib u Dajin Loo sameeyo Dadkii ka barakacay dagaaladii dhacay eek u kala firdhisan duunka dacaladiisa.
4:Mustqbalka Ururku in uu noqdo Urur Siyaasi ah oo xaq u yeelanaya wax kasta oo uu Urur Siyaasi ah leeyahay.
5:Dhammaan waxa leysku racy in lasiidaayo Maxaabiist lakala heysto.
Gaba gabadii waxaa lagu balamay in  la isugu soo laabto  Kulan Danbe in kastoo waqti aan la qaban hadana xiligaas heshiis buuxa la gaari doono
Wixii Faah faahin ah kala socda Radiodalsan.com