Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey oo ay ku shaacisay nooca Doorasho ay dalka ka dhaceysa 2020/2021.
Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey oo soo shalay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka ku boorrinayso inay yeeshaan wadatashi ballaaran, si loo gaaro Isfahan.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.†ayaa lagu yiri Qoraalka QM.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa Golaha Shacabka ka hor cadeysay in hirgalinta doorashada qof iyo codka ah aysan ku dhici karin xilligii loogu talagalay loona baahan 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna egtahay Agoosto 2021.