Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka Somalia, Philippe Lazzarini ayaa haadalkaasi ka sheegay mar uu ka hadlay Shir looga hadlay Xaalladda Samafalka iyo Horumarinta Somalia, oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.
Waxa uu tilmaamay inay Xaalladda Somalia u wajabaan siyaabo badan, iyadoo uu dalka ka soo kabanayo colaadaha, isla markaana loo gudbayo marxallad kale.
Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka Somalia  waxa uu tilmaamay inay weli dhibaatooyin ka jiraan sidii kaalmooyinka samafalka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan, wuxuuna hoosta ka xariiqay Weerarkii saddex toddobaad  ka hor lagu qaaday Shaqalaha Hay’adda UNESCO ee ka hawlgala magaalladda Garowe ee W/bari Somalia.
“Waxaan filayaa in ay jirto faham la dhihi karo Somalia waxay weli ka mid tahay dalalka sida xooggan ugu baahan gurmadka ugu ballaaran ee Caalamka†ayuu yiri Philippe Lazzarini oo hoose ka xariiqay in loo baahan yahay inay Beesha Calaamka ogaadaan sababaha xididka u ah dhibaatadda Somalia.
Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka Somalia, Philippe Lazzarini waxa uu hoosta ka xariiqay inay Somalia wajahaysi masiibooyin dabiici ah iyo amaan-xumidda Kaydka Cuntadda.
Philippe Lazzarini waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatadda ay dadka Soomaalida kala kulmeen Xawaaladaha la xiray, wuxuuna xusya in 40% dadka Soomaalida ku nool yihiin Lacagaha ay Ehelladooda u soo xawilaan.