QM ayaa ku gacan-sayrtay qorshaha halka dhinac ee Dowladda Kenya ee ay ku doonayaan inay ku xiraan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, xilliรย maanta la filayo inay Wafdi ka socda Dowladda Kenya maanta yimaadaan magaalladda Muqdisho.
Warbixin cusub oo ay so osaartay Hayรขโฌโขadda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay inuusan jirin Waddan saddexaad oo diyaar u ah inay dib-u-dejin siiyaan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xeradda Dhadhaab.
Warbixinta waxaa lagu sheegay inaan loo baahnayn in xaalladda Qaxootigaasi la siyaasadeeyo, loona baahan yahay in la kala saaro Siyaasadda iyo Xaalladda Qaxootigaasi.
Hayรขโฌโขadda UNHCR waxay kaloo sheegtay in loo baahan yahay inay Dowladda Kenya qaado masรขโฌโขuuliyad dheeraad ah , lana dhowro Sharciga Caalamiga ee Arrimaha Qaxootiga.
Hadalka Hayรขโฌโขadda UNHCR ayaa ku soo beegmayo, iyadoo ay Dowladda Kenya ku dhaqamayso Siyaasad Isbedel badan, waxayna mar sheegtaa inay Qaxootiga Soomaalida joogi karaan Xeryaha Dhadhaab, marna waxay tilmaamaan รย inay Qaxootiga Soomaalida ku lug leeyihiin Hawlgalladda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry iyo Madaxa Hayรขโฌโขadda UNHCR, Antรยณnio Guterres waxay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadleen Xaalladda Qaxootiga Soomaalida, iyagoo isku af gartay in laga laabto Dib-u-celinta Qaxootigaasi.
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joeph Ole Lenku ayaa horey xilli u qabtay Hayรขโฌโขadda UNHCR si ay รย Qaxootiga Soomaalida dib ugu celiyaan dalkooda hooyo.
Xilliga Kama dambeysta ee loo qabtay in lagu daad-gureeyo Qaxootigaasi ayaa waxay ku ekaan doonto bisha soo socota ee July 1-da.
รยฉ Warqabadka Dalsan Radio
รย