Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filippo Grandi ayaa ku dhawaaqay Baaritaankaasi, isagoo sheegay in weli jiraan su’aalo aan Jawaabtooda la helin oo ku aadan Weerarkaasi Bahalnimadda ah.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Kooxaha ku lugta leh Weerarkaasi inay qaadaan baaritaano, si loo hubiyo Isla-xisaabtanka, loogana hortago inaysan dhacdadaasi o okale mar kale dhicin†ayuu yiri Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR).
Baaqa QM ee Baaritaanka weerarkaasi, ayaa yimid maalmo kadib, markii ay DFS ka codsatay inay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga qaadaan Baaritaan la xiriira Weerarkaasi oo la sheegay inay fulisay Diyaarad Helikopter oo nooceedu ahaa Apache.
Milliteriga Sacuudiga ayaa ka mid ahaa dalal tiro yar oo ku yaalla Bariga Dhexe oo isticmaala Helikopterada Apache ee lagu farsameeyo dalka Maraykanka.
Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Hadliye waxa uu ku eedeeyey Isbahaysiga Sacuudiga inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 42 Qaxooti Somali, laguna dhawacay tiro kale.
Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inaysan mas’uul ka ahayn Qaxootiga Soomalida ee Isbuucii la soo dhaafay lagu dilay meel ka baxsan Dekedda Xuutiyiinta ee Galbeedka Kenya.
Dhinaca kale, Waxaa xusid mudan inay Somalia qeyb ka tahay Hawlgalka Isbhaysiga Sacuudiga, inkastoo ay jireen Askar Somali ah oo ka barbar dagaalanta Ciiddanka Isbahaysiga ee Dagaalka kula jira Mleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.
UNHCR waxay ku qiyaastaa inay Yemen ku sugan yihiin in ka badan 255,000 oo Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo ay haatan xaallad culus ku haysato dalkaasi.
©Radio Dalsan