Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay maanta ugu baaqday Dowladaha Talyaaniga iyo Malta inay u oggolaadaan Markabkaasi  inuu ku soo xirto Dekeddahooda.
Markabkaasi waxaa la socda 629 Muhaajiriin oo ay ka mid yihiin in ka badan 100-carruur iyo haween xaamilo ah.
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini waxa uu shalay ka mamnuucay Markabkaasi inuu ku soo xirto DekedahaTalyaaniga
HALKAN KA DAAWO XAALLADDA MUHAAJIRIINTAASI