Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Yemen, Ismaaciil Walad Sheikh Ahmed ayaa hadalkaasi ka sheegay Machadka Bariga Dhexe ee magaalladda Washington, wuxuuna xusay inuu aad uga walaacsan yahay suurto-galnimadda WeerarMilliteri oo lagu qaado Degmadda Xudeyda oo ay Kooxda Xuutiyiinta maamulaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dekedda Xudeydah ka soo degaan in ka badan 70% Shixnaha Cuntada ay Yemen dibedda ka soo iibsadaan iyo Gargaarka Samafalka ee loogu tala-galay ddadka ku dhibaataysan dalkaasi.
Dekedda Xudeyda ayaa ku taalla Badda Cas, waxayna u dhowdahay Gacan-biyoodka Baab Almandab oo ay maalin kasta ka gudbaan maraakiibta shidaalka.
Yemen waxaa kala qeybiyey Dagaal Sokeeye o oay ku geeriyoodeen ugu yaraan 10-kun oo qof.
©Radio Dalsan