Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday in xaalad halis oo macluul ah ay kusoo wajahan tahay Dalal ay ku jirto Soomaaliya, isagoo ka digay xaaladaas.
Antonio Guterres ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in muhiim ay tahay in laga hortego xaaladda Bani’aadanimo ee kusoo wajahan dalalka Burkina Faso, Afghanistan iyo Soomaaliya.
“Xaalada waxay uga sii dareysaa wadan ka wadan, halka shacabka ay dilayaan kooxo hubeysan; wadamadaan halista ugu jira musiibadaas bini’aadanimo waa kuwa ugu sareeya cuni yarida qiimeynta 2020, xalka wuxuu jiraa talaabo hadda la qaado” ayuu yiri Antonio Guterres.
Sidoo kale Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in dalalka Nigeria, Yemen, South Sudan iyo Congo ay si toos ah ugu jiraan haliso macquul oo ay ugu weyn tahay cunto yari baahsan, isla markaana ku baaqay in tallaabo Deg deg ah la qaado.
Ugu dambeeyay Antonio Guterres ayaa Carabka ku dhuftay in xaaladda cuni yarida ee ka jirta dalalka Afrika uu sabab u yahay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay Caalamka oo dhan.