Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan looga hadlay arrimo kala duwan ku yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac.
Kulanka oo looga hadlay arrimo la xiriira qabya tirka dastuurka iyo meelaha uu marayo maadaama ay ku xiranyihiin waxyaabo badan oo ay qeyb ka tahay doorashasa soo socota ee 2020.
Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay baahida loo qabo wadahadal aqaran oo laga yeeaho arrimaha dastuurka iyo kaalinta QM ee wacyigelinta dastuurka.
Soomaaliya ayaa sanadkaan 2020-2021 waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo dooraaho qof iyo cod ah iyada oo sharciga doorashooyinka Qaranka ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka.
Dhinaca kalana beesha caalamka ayaa ku xirtay shiruudo adag dowladda in ay ka soo baxdo oo ay ka midyihiin dhamaystirka dastuurka mee marinta sharciga doorashooyinka kuwaas oo dhammaantood ay sheegtay QM in ay ku xiranyihiin doorashooyinka soo socda.