Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa war-bixin u jeediyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.
War-bixintan oo ku saabsanayd xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan Soomaaliya iyo khilaafaadka la xiriira habka loo qabanayo doorashada soo socota ayaa Ergayga Xoghayaha guud wuxuu ku soo hadal-qaaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee bishii June ee sannadkan ka qabsoomay dalka Jabuuti.
Wakiilka Qaramada Madoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, isagoo ku baaqay in la sii wado qada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac.
“Waxaanu soo dhawaynaynaa kulankii hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee uu marti-galiyay Madaxweynaha Djibouti 14 June, ee ay fududeeyeen Midowga Yurub iyo Maraykanka.†ayuu yiri James Swan.
Ugu damben Wakiilka ayaa tilmaaamay in muhiim ah ay tahay in la sii wado wada-hadalladii loo ballamay ee Guddiyada Farsamo, kuwaasi oo daba socday wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.