Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) ayaa sheegay inay cambaaraynayaan qaraxyadii shalay ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalladda Muqdisho.
Qoraal uu Hawlgalka UNSOM soo dhigay Barta Twitter-ka (@UNSOM) ayaa lagu sheegay in ay u tacsideynayaan qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi,
Sidoo kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia. Michael Keating ayuu ku sheegay in Muqdisho ay mar kale shalay ka dhaceen Qaraxyo
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ugu tacsideeyey Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen 2-dii qarax ee shalay ka dhacay Muqdisho.
Michael Keating waxa kaloo uu Twitterkiisa ku qotay inay Alshabaab sheegteen mas’uuliyadda dhimashadad dadka badan ee rayidka ah.
Dhinaca kale, Twitterka Hawlgalka Maraykanka ee Somalia (US Mission in Somalia) ayaa lagu qoray inay u tacsideynayaan Qoysaska iyo Saxiibadda ay dadkooda ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen Weerarkaasi, isla markaana ay garab taagan yihiin.