Boqolaal ka tirsan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugnaa Xeryaha ku yaalla dalka Eritrea ayaa la sheegay inay ka soo tallaabeen xuduudka uu dalkaasi la wadaago dalka Ethiopia, sida lagu daabacay Shabakadda Wararka IDNÂ ee uu fadhigeeda dhexe ku yaallo caasimadda dalka Awstariya (Austria) ee Vienna.
In ka badan 400 oo Qaxooti Soomaali ayaa la sheegay inay mar horeba isaga soo baxeen xeryaha ku yaalla Eritrea, waxayna haatan ku sugan yihiin Degmadda Zalambessa oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Ethiopia iyo Eritrea.
Qaxootigaas waxaa la sheegay in la dejiyo Xero cusub, waxayna taageero ka helaan Maamulka Degmadda Gulomokeda Wereda ee Ismaamulka Gobalka Tigrayga ee dalka Ethiopia.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Shabakadda Wararka IDN in Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Eritrea oo ay tiradooda dhan tahay ku-dhawaad 5,000 oo qof ayaa isku dayaya inay soo gaaraan Ethiopia, iyagoo raadinaya Nabad.
Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Qaxootiga Ethiopia ayaa sheegay inay Qaxootiga u dhashay Eritrea bilaabeen inay iyagoo tiro badan soo gaaraan dalka Ethiopia.
Sarkaalkaasi waaxa uu intaasi ku daray inay kasta 250 ilaa 300 oo Qaxooti Eritrean ah maalin kasta soo galaan xuduudka Ethiopia la wadaago dalkooda.
Warar hore ayaa sheegayey inay dhallinyaro badan oo Eritrean ah haatan ka soo carareen dalkooda, kadib, markii ay kordheen Hawlgalladda dhallinyarada lagu khasbayo inay ka qeyb galaan Tababarka Ciiddamadda ee Hawlaha Qaranka oo Luqadda Eritrean-ka lagu yiraahdo Giffa.
Xuduudka Ethiopia iyo Eritrea waxaa la furay, kadib, markii ay Hoggaamiyayaasha Labadaasi Waddan ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara Heshiiskii Nabadda bishii July 8-dii ee sanadkii hore 2018-ka.