Wargeyska The Guardian Independent ee ka soo baxa dalka Australia ayaa maanta qoray in 25 ka mid ah Qaxootiga lagu hayey Jesiiradda Manus ee hoosta tagta dalkaasiinay dalka Maraykanka ka heleen Dib-u-dejin.
Qaxootigaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Pakistan, Bangaladesh iyo Barma ayaa la filayaa inay isbuuca dambe u dhoofaan dalka Maraykanka
Inta badan Qaxootigaasi waxay muddo 4 sanno ku noolaayeen Jesiiradda Manus oo lagu hayo Kumanaan qof oo Magan-geluyo-doon ah.
Dhinaca kale, Waaxda Ammaanka Gudaha ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay inay aqbaleen 25 ka mid ah Qaxootiga ku nool Jesiiradda Manus.
Ilo ku dhowdhow Qaxootiga loo qaadayo Maraykanka ayaa sheegay in lagu wargeliyey inay iyaga iyo shandahooda xaadir ku ahaadaan Garoonka Diyaaradaha ee Port Moresby ee Jesiiradda Manus.
Labo Duullimaad ayaa loo qorsheeyey,oo u soo qaada dalka Australia, ka hor intaysan Diyaarad Caalami  ah u raacin dalka Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka ay Dowladda Maraykanka ku oggolaatay in Qaxootiga ka soo jeeda dalalka Somalia iyo Sudan mid ka hor imaanaysa Xayiraadii Socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay Muwaadiniinta ka soo jeeda 6 Waddan oo dadkiisa Muslim yihiin,
Qaraarka Xayiraadda Socdaalka ee Madaxweyne Trump soo rogay oo ee tirsigiisu ahaa 13780 ayaa ah Qaraar Fulin oo aan dhamaan doonin ilaa laga gaarayo bishan September 27-da