106 Qaxooti Somali  oo ay ku jireen Waayelo, Haween iyo Carruur ayaa dhawaan ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Qaxootigaasi oo dooni kaga soo baxay dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yeman ayaa waxay isbuucii hore tageen Dekedda magaalladda Berbera.
Hay’adda Mujaahiriinta Caalamka ee IOM oo taageero ka geysatay, waxayna u kireysay Diyaarad rakaab oo ay ku yimaadeen Madaarka Muqdisho.
Qaar ka mid ah Qaxootiga haatan ku soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay inay xaallad adag ku noolaayeen, isla markaana uu saamayn ku yeeshay dagaalka Yemen.
Layla Maxamed Salaax oo 38-jir ah oo muddo 15 sanno ku noolayd Yemen waxay sheegtay inay karaahsadeen nolosha ka jirta gudaha Yemen.
Waxay kaloo sheegtay inay muddo dheer sugayeen inay dib ugu soo laabtaan dalka Hooyo, si ay ugula noolaadaan dadka kale.
Caydaruus Shariif Maxamed oo in ka badan 20-sanno ku sugnaa Yemen ayaa sheegay sida dhibaatadda leh ee uu ku noolaa, wuxuuna xusay in xaalladda Ammaan-xumida Yemen ku khasabtay inuu ka soo cararo Caasimadda dalkaasi ee Sanca.
Waxa uu sheegay inuu hadba magaallo kale u sii gudbayey, ka hor inta uusan ku soo laabanin Somalia.
Caydaruus Shariif Maxamed  oo 71-jir ah waxa uu xusay inay dagaallo badan ka dhaceen Sanca, lana duqeeyey, taasi oo uu xusay inay ku khasabtay inay u cararaan magaalladda Cadan ee Koonfurta dalkaasi.
Tas-hiilaadkooda waxaa taageero ka geystay Xarunta Boqor Salmaan ee Samafalka Aadminimo iyo Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
126-ka Qaxootiga ee soo gaaray Muqdisho ayaa ah Qeybtii Labaad ee muddo 3 bilood kadib soo gaaray magaalladda Muqdisho.
Kooxdii kale ee ka horreysay oo ka koobnaa 127 Qaxooti Somali ah ayaa  laga soo daad-gureeyey Yeman, kuwaasi oo dib loogu soo celiyey Somalia sannadkii hore.
©Radio Dalsan