Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Qaxooti farabadan, kuwaasi oo kasoo barakacay dagaalada ka socda Siiriya.
Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo weriyay in qoysaska halkaas gaaray ay tiraroodu ka badan tahay 10 qoys oo qaxooti ah, iyagoona qoysaska sheegay inay kasoo carareen dagaalada xoogan ee socda dalka Siiriya.
Maamulka Dhuusamareeb iyo Culumada Caasimadda Galmudug ayaa Gurmad u fidiyay qoysaskaas, goobo ay dagaan iyo gurmad kale ayaa la gaarsiiyay, iyagoona qoysask ka mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay.
Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa u balan qaaday qaxootiga Sooriyaanka ah dhul ay dagaan hadii ay go’aansadaan in ay sii joogaan Galmudug, isla markaana ay heli doonaan gargaaryo kale oo Bani’aadannimo ah.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan inay jiraan qaxooti kale oo Sooriyaan ah, kuwaasi oo gaaray magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana halkaas loogu sameeyay dib u dejin iyo Gurmad.