Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.
Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, iyagoo la geeyay Xarun loogu tala-galay qaxootiga.
Mas’uul ka tirsan Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in qoysaska Cusub ee Qaxootiga ah laba maalmood lagu heyn doono xarunta la geeyay, isla markaana lagu sameeyn doono tirab kooban, kadibna dib u-dejin loo samayn doono.
Muddooyinkii u dambeeyay dowlad Goboleedka Puntland oo garab ka heysa hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UHCR iyo hay’adda Socdaalka Dunida ee IOM ayaa qaabilayay Qaxooti kala duwan oo kasoo cararay Colaada ka jira dalka Yemen.