Qaxaati farabadan oo ka cararay dagaalada xoogan ee ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa kusii qul-qulaya xaduuda dalka Suudaan, si halkaas ay goob ammaan ah uga raacsadaan.
Dad ka badan 15,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Suudaan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay sheegtay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dalkaasi.
Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ayaa galay maalintii 11-aad, waxaana ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbixin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriirta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigree-ga.
Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuqaallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan boqolaal qof oo si xun loo dilay, waxaana ay sheegtay in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay ahaayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada Militariga.