Maanta, 357 maalmood  kadib, Khilaafkii Qatar iyo Isbahaysiga Sacuudiga waxay Dowladda Qatar amartay in Bakhaaradda laga wada saaro dhamaan Badeecadaha ka yimid dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Qatar waxaa lagu amray in sida ugu dhaqsaha badan khaanadaha Dukaamanka looga saaro Badeecadaha ka kala yimid dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.
Dowladda Qatar waxay kaloo sheegtay inaay joojinayaan Wax-soo-saarka sida Badeecadaha Caanaha Sacuudiga ee Bakaadaysan ee dalka Qatar ka soo gala iyadoo la soo marsiinayo dal 3-aad.
Kormeerayaasha ayaa la sheegay inay tegi doonaan Bakhaaradda, si loo hubiyo inay u hoggaansameen Amarka, ayaa lagu yiri Hdaal ka soo baxay Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Qatar.
Xafiiska Isgaarsiinta ee dalkaasi ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa Ammaanka Macaamiisha.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo bishi iJune 5-dii ee sannadkii hore, Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo msaar waxay xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen inay maal-geliyaan Kooxaha Argagixisadda iyo inay xiriir dhow la leeyihiin Dowladda Iiraan.