Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay Miisaaniyadda DFS ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka
Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dooxa.
Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kaloo kulankooda kaga wada haleen Xoojinta Xiriirka Wax-wada-qabsi ee labada dal iyo qaababka loo horumarin karo inay iska kaashadaan qeybaha kala duwan ee DhaqaalahaHorumarka, Amniga iyo Siyaasadda.
Kulankaasi waxaa kaloo dib loogu eegay Horumarka dalka Somalia, taasi oo dhabaha u xaartay inuu Amiirka Qatar taageero Dhaqaale ku bixiyo Miisaaniyadda DFS ee sannadkan 2019-ka.
Dhinaca kale, Kulanka Labada Hoggaamiye oo ay ka qeyb galeen tiro Wasiiro ka kala socday labada Dowladood waxaa looga hadlay Danaha Guud ee labada Waddan iyo Xaalaldaha Gobalka iyo kuwa Caalamiga.
Wafdiga Madaxweynaha DFS ku wehliya Safarka uu ku joogo dalka Qatar waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayleh iyo Wasiirada Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Maryam Aweys Jaamac.
Si kastaba ha ahaatee, waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii.