Dowladaha Qatar iyo Mauritania ayaa maanta oo Axad ah kawada hadlay sidii loo soo celin lahaa xirirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal.
Wakaaladda wararka ee Qatar ayaa sheegtay, in Wasiirka arrimaha Dibadda ee Qatar, Shiikh Maxamed bin Cabdiraxmaan iyo dhiggiisa Mauritania, Ismaaciil Walad Shiikh Axmed ay ka wada hadleen soo celinta xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal ee Carbeed.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mouratania ayaa ku sugan magaalada Doxa ee caasimadda Qatar, inkasta oo aan la sheegin goortii uu yimid.
Dowladda Mauritania ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Qatar sanadkii 2017, kadib markii uu bilaawday khilaafkii siyaasadeed ee dowlada Khaliijka.