Ilo ku dhow Qasriga Buckingham ee looga arrimiyo dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inaysan jirin sabab looga walaaco xaalladda Booqradda Elizabeth ama Ninkeeda, Prince Philip, kadib, markii la isugu yeeray dhamaan Shaqaalaha Sare ee Boqortooyadda.
Wargeyska Daily Mail, ayaa qoray in Kaaliyayaasha Sare ee dhamaan Goballadda la isugu yeero Shir Degdeg ah oo ka dhaci doona Qasriga Boqortooyadda.
Warbaahinadad Bulshadda waxaa si weyn la isugu dhaafsanayey xaalladda Booqrka iyo Boqoradda UK oo la sheegayey inuu aad u liito
Boqoradda dalkaasi, Elizabeth II  ayaa ah Boqoradda ugu cimriga dheer Caalamka, iyadoo 91-jir ah, halka Saygeeda Philip uu 96 sanno jirsanayo bisha soo socota.
Booqradda waxay shalay si caadi ah ula kulantay Ra’isul-wasaare Theresa May oo ay isla eegeen Doorashadda dhici doonbta bisha soo socota ee June.
©Radio Dalsan