Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah oo xalay ay ku fashiliyeen Xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Qaraxyada lagu aasay Xaafadda Masjidka Rashiid ee Booaaso, isla markaana laga doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka halkaas ku dhaqan.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga oo kaashanaya kuwa  Ciidamada PSF ay soo saareen Miinooyinka, isagoona u mahadceliyay Ciidamada amniga.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in Miinooyinka ay ku soo wargeliyeen shacabka Boosaaso, isla markaana Ciidanka amniga ay tageen goobta, sidaasina ay kusoo saareen, wuxuuna Taliyaha shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo Ciidanka amniga Magaalada Boosaaso ay soo saaraan Miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana inta badan Taliska Booliska Gobolka Bari ay sheegaayan in Miinooyinkaa ay dhulka geliyeen xubno ka tirsan Al-shabaab.