Ugu yaraan 24 qof oo 2 ka mid ah Askar ahaayeen ayaa ku geeriyootay, in ka badan 28-kalena wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Goob laga codeynayey ioo ku taalla magaalladda Kuweeta ee Galbeedka dalka Pakistan.
Qaraxa ayaa u muuqday in loola dan laha gaari ay Boliska lahaayeen, wuxuuna qaraxu dhacay saacado kadib, markii la furay Goobaha Cod-bixinta ee dalkaasi.
In ka badan 30 Xisbiyo Siyaasadeed iyo 12,570 Murashax ayaa ka qeyb galayo Cod-biintaasi oo ay isku diiwaan geliyeen 106 million oo Cod-bixiyayaal.
Dhinaca kale, Dalka Syria waxaa la soo weriyey in ugu yaraan 38 qof ku geeriyootay Is-qarxin Waaberigii hore ee saakayto ka dhacday magaalladda Suweyda.
Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ Â ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen Qaraxyaddii maanta ka kala dhacay Pakistan iyo Syria