Wararka aan ka heleyno duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Gawaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya qarax geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah lala eegtay.
Ciidamada ayaa marayay deegaanka weeydoow,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay,isla markaana ay ku geeriyoodeen afar ruux oo uu mid ka mid ah yahay Shacab.
Ciidanka qaraxa lala eegtay ayaa watay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bile,waxaan la sheegya in gaarigaas uu ku soo jeeday dhinaca Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Majiraan faah faahino intaasi ka baxsan oo qaraxaasi laga helayo,waxaase dadka deegaanka weeydoow ay u sheegeen Radio Dalsan in Ciidamadu ay mudo saacado ah wadada xirteen wallow markii dambe ay fureen.